Guddoomiye Ku-Xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdiwaajid Cumar Nuuriyow Oo Wareysi gaar ah Siiyay Radio Kismaayo ayaa Ka Warbixiyay Mashaariicyo Lagu Dhisayo biyo Xereeno iyo kanaalo Lagu Xakameenayo Fatahaada uu Sameenayo Wabigga Shabeelle Ee Mara Magaalada Baladweyne marka ay roobabka xoogan da’aan.
Waxaa uu sheegay maadaama uu dhow yahay roobkii Gu’ga in cabsi wayn laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga sidaasi darteed ay laga maarmaan tahay in la helo xal waara oo looga gudbiyo dhibaatooyinka soo laab laabta ee qasaaraha biyaha wabiga uu magaalada baladweyne ku sameeyo.
Guddoomiye Ku-Xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdiwaajid Cumar Nuuriyow waxaa uu sheegay in markan ay mashaariicdan biya xireenada ah ay ka caawinayaan hay’ado sidaasi darteedna la filayo in ugu yaraan in dhimi karaan qasaaraha fatahaada wabiga uu sameeyo.
Gudoomiyaha ayaa Sidoo Kale Faray Bulshada Gobolka Hiiraan in ay Ka Qeyb Qaataan Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Ee Gobolka Hiiraan.
Wabiga shabeele ee mara magaalada Baladweyne ayaa sameeya fatahaad balaaran sanadkasta marka ay roobabka da’aan iyadoo markaasi magaalada ay dadka ka bara kacaan mana jirto ilaa iyo hada xal waara oo laga gaaray .