Ciidanka kumaandooska Danab iyo qeybaha kala duwan ee ciidanka Jubbaland ayaa howlgal ka dhacay tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale ku dilay horjoogeyaal iyo maleyshiyaad badan halka qaar kale nolosha lagu qabtay.
Ciidamada ayaa cadowga ugu galay godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen ee deegaanadaaa waxaana la dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaabib.
Horjoogeyaasha la dilay waxaa ku jira, Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya horjoogihii sirdoonka Khawaarijta Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa dhammaantood lagu dilay howlgalka sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka.
7 dhagar qabe ayaa sidoo kale nolosha lagu qabtay.