BJFS oo soo dhaweeyey Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika

296

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo maamulka gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland) 1-dii January 2024.

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in go’aanka ka soo baxay Midowga Afrika uu Soomaaliya u hiilinayo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya haddana ah xubin ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa warmurtiyeedka ka soo baxay Midowga Afrika ku sifeeyey in uu meesha ka saarayo damaca dowladda Itoobiya.

Xildhibaan Mahdi Guuleed oo u waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Qarank ayaa yiri, “Warmurtiyeedka ka soo baxay Midowga Afrika waxaa uu meesha ka saarayaa damacii Ethiopia waxaana uu xoojinayaa wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur  oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa yiri, ”Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika waxaa uu caddeynayaa in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaana uu farriin culus u dirayaa oo soo afjarayaa damacii Abiy Axmed.”

Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  oodankiisa ka hadlay bayaanka ka soo baxay Midowga Afrika ayaa yiri, “Abiy Axmed adduunka oo dhan ayaa ku soo jeestay oo damaciisii waa ku guul dareystay, dagaal haddii uu bilaabana waan uga guuleysaneynaa.”