Wasiirka Cadaaladda XFS oo sheegay in ay ka go’an tahay wax ka beddel dastuurka,

279

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaaradku in aysan qaadan doorka keli taliska.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa intaa ku daray in qorshaha wax ka beddelka dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dhaqaaqi lahaa.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd lana gaaray horumarin siyaasadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doonaan.