Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland oo kulan muhiim ah la yeeshay wafdi sare oo ka socday Hay’adda IRC.

0
221
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi sare oo ka socday Hay’adda IRC.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda IRC, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo ballaarin lahaa taageerada adeegyada caafimaad ee ay hay’addu ka fuliso deegaanada Jubaland. Tani waxay imaaneysaa xilli ay jiraan baahiyo caafimaad oo sii kordhaya iyo hoos u dhac ku yimid maalgelintii adeegyada caafimaadka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IRC doorkeeda firfircoon iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah oo miro-dhal ah si wadajir ah wax looga qabto baahiyaha jira loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh oo gaara dhammaan bulshada Jubaland.
Intaa kadib, wafdiga iyo Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeer ku tagay xarunta caafimaadka Suuqa Cowska, si ay ugu kuurgalaan habsami u socodka howlaha shaqo iyo heerka adeegyada caafimaad ee halkaas laga bixiyo.