Kulan loogu duceynayay AUN taliyihii nabadsugida Gobalka Gedo Bakaal kooke ayaa lagu qabtay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo,
Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Xuseen Cabdi Lafeey iyo masuuliyiinta kale ee kasoo qeybgalay kulanka ducada ayaa xusay in marxuum taliye Bakaal kooke uu ahaa halyeey qaran oo u taagnaa difaaca dalka, dadka iyo ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed, waxaa ayna sheegeen in uu shahiiday isagoo cadowga ka xureeyay deegaano badan oo hore cadowgu u haystay,
AUN taliye Bakaal kooke ayaa ku shahiiday maanta oo kale sanadkii hore qarax ay la eegteen kooxda argagixisada ah ee cadowga ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed,