Dhoobley oo saaka ku waabariiisatay xaalad Ka Duwaan siidi hore,

452
Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa saaka ku waabariiisatay xaalad allow sahal ah kadib markii ay fataheen Biyo maalmihii u dambeeyey kolba dhinac laga moosayay,
Goobaha Ganacsiga iyo xaaafado dhowr ah ayay biyuhu saamayn taban ku yeesheen, iyadoo ay dadku bilaabeen in ay ka barakacaan xaafadahooda, goobaha Ganacsiga ayaa sidoo kale laga daad gureeyay wixii alaab ahaa ee la awooday in la badbaadiyo,
Biyahan soo qulqulaya ayay dadku sheegayaan in ay yihiin biyo madow oo ay urtooduna badalan tahay, ila haddana lama garanayo waxa sababay biyuhu in ay noocan noqdaan, waxaana la rumaysanyahay in ay caafimaadka wax u dhimi karaan,