Maamulka deegaanka Madhabo oo ka warbixiyay waxyeelada ka dhalatay roobkii ugu dambeyay ee halkaas ka da.ay
Maxamed Jeylaani Bakari Guddoomiayaha deegaanka Madhabo oo lahadlay Radio Kismaayo codka jubbaland ayaa Sheegay 17 Guri ku dumeen deegaankaa
Islamarkaana ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah dadka halkaaasi ku noolaa.
Roobka sacadihii lasoo dhaafay ka da,ayay Madhabo ayuu sheegay inuu geystay saameyn nololeed iyo mid hooy, waxaana uu intaas ku daray in dadku ay u baahanyihiin in la caawiyo maadaama weli ay ka cabsi qabaan inuu soo rogaal celiyo roobka deyrta oo qayba ka mid ah dhulka Soomaaliya ka de,ay
cod
Ma ahan markii ugu horeysay oo cabasho noocaan oo kale ay kasoo yeerto qaybaha bulsha ee ku nool Guraha cooshadaha ka sameysan iyo kuwa jilicsan waxaana isa soo taraya baaqyo kala duwan oo ay jeedinayaan kuna wajahan Hey,adaha Maxaliga, kuwa dowladda iyo kuwa caalamka.