GUDDOOMIYAHA GUDDIGA QARANKA EE SHAQAALAHA RAYIDKA DOWLADDA FS OO XAFIISKIISA KU QAABBILAY WAFDI KA SOCDA HAY’ADDA JICA

0
1209

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Japan (Japan International Cooperation Agency – JICA).

Kulanka ayaa looga wadahadalay arrimaha Maamulka & Maareynta Shaqaalaha iyo sida Hay’adda JICA u taageeri lahayd Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa wafdiga uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka.