Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Oo Soo Gabagabaysay Dhagaysiga Kiis Dil Ah

424
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa soo gabagabaysay dhagaysiga kiis dil ah oo maxkamada tiro afar jeer ah la hor keenay eedaysane Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo loo heysto dilka allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax oo lagu dilay xaafadda Calanley Magaalada Kismaayo.
Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland Nuuradiin Maxamed Khaliif oo gacanta ku hayay baarista kiiskan ayaa Maxkamadda hor keenay caddeymo muujinaya goobta dilka uu ka dhacay, waxaana uu sidoo kale cuskaday qiraal hore oo eedaysane Maxamed Khadar laga hayay.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Gaashaanle sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo fadhiga soo xiray ayaa sheegay in maxkamaddu soo saari doonto go’aanka kiiskan.