Gudigga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta fadhi yeeshay ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2024-ka taas oo dhan 49,578,953.81$.
Kulanka oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland iyo mudanayaasha qeybta ka ah Guddiga Joogtada ee maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2024-ka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mahad Sheekh Cabdi ayaa kulanka goob joog ahaa islamarkaana soo gudbiyay Miisaaniyadan maanta la ansixiyay oo todobaadkii tagay ay Golaha Wasiirada Jubbaland soo meel mariyeen