Ciidamada Puntland oo howlgal ku qabtay waxyaabaha qarxa

885

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihi lasoo dhaafay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas ka sameeyay howlgal saacado dhow ah qaatay, kaasi oo la helayo faah faahino.

Ciidamada amniga ayaa inta uu socday howlgalka kusoo qabteen waxyaabo laga sameeya Qaraxyada iyo Keyd hub ah oo ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland inay lahaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in hubka lasoo qabtay uu ku keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala, kadib markii ay Warbixin la wadaageen ku aadan hubkaas la wadaageen dadka deegaanka.

Ugu dambeyn Laamaha amniga Puntland ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka iyo shacabka Puntland sida ay ula shaqeynayaan Ciidamada heeganka u taagan iyo ka shaqeynta amniga.

Howlgalka Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland ay ka sameeyeen duleedka Magaalada Boosaaso ayaa kusoo aadaya xilli weli Ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ka dhan ah Xubnihii Al-Shabaab ee kal hore weeraray Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.