Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay weheliyaan Wasiirka amniga Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Abshir Maxamed Cabdi iyo Guddoomiyaha degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Isbitaalka degmada Doolow.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa sheegay in dhismahan cusub ee Isbitaalka uu muhiimad weyn u leeyahay dadka gobolka gaar ahaanna bulshada degmada Doolow.
Munaasabadda xarig jarka waxaa kasoo qayb galay xubno katirsan golaha wasiirada Jubbaland, Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada, maamulka degmada Doolow, bulshada rayidka ah iyo masuuliyiinta Hay’adda Trocaire.