Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiirka cusub ee amniga maamulkaasi, iayada oo loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin).
Saciid Deni ayaa sheegay inuu magacaabista wasiirka cusub ee amniga kala tashaday madaxweyne ku xigeenka Puntland, uuna ku xushay aqoon iyo waayo aragnimo.
Ninkan ayaa beddalaya, Cabdisamad Galan oo uu horay xilka uga qaaday madaxweyne Saaciid Cabdullahi Deni.
Garoowe: 11 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.