RW Xamsa Cabdi “Jidka oo la dhiso micnaheedu waa Horumar, Amniga oo la hagaajiyay, waana bilicdii oo dib usoo laabatay”

443

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarrig jar ku sameeyay laamiga Taleex ee muhiimka u ah isu socodka Waddooyinka Makka Al-Mukarrama iyo Wadnaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Xamsa Cabdi Barre waxaa dhinac taagnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, Maamulka Degmada Hodan iyo Mas’uuliyiin kale oo Dowladda Federaalka katirsan.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka ayaa bogaadiyay dib u dhiska lagu sameeyay Laamiga Taleex oo muhiimad gaar ah u leh Dadka deegaanka ah, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo Gaadiidka isaga kala gudba.

 

Arrintaan ayuu ku tilmaamay dib usoo cusbooneysiinta waddooyinka quruxda badan ee Caasimadda oo si gaar ah horumar uga muuqdo maadaama isku tashi lagu dhisayo waa sida uu hadalka u dhigay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

 

Waddooyin badan oo Caasimadda ah ayuu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dhowaan sidaan oo kale xarrig jar lagu sameyn doonno, tilmaamta laga qaadan karo ayuu shaaciyay in ay tahay Amniga oo soo hagaagay, Dadka oo go’aan ku gaaray dib u dhista & horumarka Muqdisho.

 

“Bilicda waxaa qurxiya Magaalada oo la nadiifiyo balse waxaa ka horreeya in laamiyada marka hore la dhiso, Jidad badan ayaa la furay halka kuwa kale dhowaan la furi doonno haddii alle yiraahdo, Jidka oo la dhiso micnaheedu waa Horumar, Amniga oo la hagaajiyay, waa bilicdii oo dib usoo laabatay” RW Xamsa Cabdi Barre.

 

Muqdisho waxaa dib u dhis lagu wadaa Waddooyin Badan oo muddo dheer burbursan kuwaas oo dhibaatooyin ay ku qabaan Dadka iyo Gaadiidka, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in uu dhaqangeliyay Mashruuca “Hal doollar dalkaaga ku dhiso”.