Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo daahfuray Wakaaladda Biyaha Jubbaland, Sidoo kalena dhagax dhigay Wakaaladda Tamarta Jubbaland.

589
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa daahfuray Wakaaladda Biyaha Jubbaland, Sidoo kalena dhagax dhigay Wakaaladda Tamarta Jubbaland.
Munaasabadda daahfurka Wakaaladda Biyaha Jubbaland waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jubbaland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Jubbaland, Xildhibaano heer Federaal ah iyo nasuuliyiin ka tirsan Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Jubbaland.