Dhageyso:Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo markii ugu horeysay ka hadlay arinta Laascaanood

535

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Kismaayo taas oo lagu dabaal dagayay 63guuradii ka soo wareegatay Markii Gobolada Koofureed ay ka xuroobeen Gumeystihii Talyaaniga iyo Midowgii koofur iyo waqooyi ayaa ka hadlay xaalada ka taagan Laascaanood

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam  ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay dagaalka iyo duulaanka Soomaaliland ay ku hayso gobolka Sool.

Waxaa uu sheegay in ay  ayaan darro tahay wixii shalay ay  Somaliland diiday  in lagu sameeyo dadka reer Laascaanood   oo madfac lagu weeraro iyaga oo guryahoodii jooga

Madaxweynaha ayaa xusay in xalka iyo wada hadalka fursad la siiyo oo aan cidna lagu qasbi Karin wax aanay dhinaca kale ogolaadeen loona baahan yahay in dadka gobolkaas ku nool ay iyagu aayahooda ka tashadaan.