Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka furmay shirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 4-maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo ay hoggaan ay u tahay wasaaradda maaliyadda, halka hay’adaha dhaqaalaha ay ka socdaan IMF iyo Bangiga Adduunka.
Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta soosaarka dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya