Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobeey wafdigan ayaa ka kala socday hay’adaha (FAO iyo UNHCR)wafdigan waxaa hogaaminayay wakiil xigeenka somaaliya uqaabilsan hay’ada UNHCR marwa Sana waxaa wasiirka qorshaynta Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed kullanka ku waclinyay wasiirka ku xigeenka wasaaradda qorshaynta Jubbaland iyo gudoomiyaha hay’ada barakacyaasha iyo qaxootiga Jubbaland
Kullanka ayaa waxaa si gaara diirada loogu saaray adkaynta wada shaqaynta ay hay’adaha qaramada midoobay la leeyhiin Jubbaland iyo dar dar galinta Barnaamijka Xalka waara
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in kullankan looga wada hadlay laba qodob oo kala ah soo dhawayn is barasho iyo balaarinta wada shaqaynta hay’adaha UN-ka ay la leeyihiin dowlada Jubbaland taasi oo muhiim u ah dardar galinta adeegyada bulshada aas aasiga u ah sidookale waxaa uu wasiirku sheegay inay ka wada hadleen wafdigan barnaamijka xalka waara oo muhiim u ah Jubbaland .