Waa maxay ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee Magaalada Kismaayo.

424
Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo.
Wafdiga Guddoomiyaha waxa qayb ka ah Wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Wasaaradda iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland.
Wafigan ayaa horudhac u ah Wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Raysal wasaare ku-xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirada Wasaaradaha Gargaarka Dowlad Goboleedyada dalka oo la filayo inay soo gaaraan magaalada Kismaayo oo 5-ta bishan June uu ka furmi doono Shirka Madasha Gargaarka Dalka.