Ku manaan Arday ah oo ku kala sugan Gobolada iyo degmooyinka dalka Ayaa maanta u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga sanad dugsiyeedka 2022-2023 ee Dugsiyada sare ee dalka.
1,561 Arday oo ku kala sugan ilaa iyo todoba degmo oo ka tirsan Jubbland Ayaa maanta iska xaadiriyey ka qeyb qaadashada imtixaanka shahaadiga oo ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Dowlada federaalka Somaaliya .
Wasiirka wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare mudane C/Naasir Seeraar Maax oo uu wehelinayo wasiiru Dowlaha waxbarashada Jubaland Ayaa maanta daahfurey imtixaanka ka dhacaya Jubbland.
Qaar kamid ah Ardeydii maanta imtixaanka Ufariisatay oo ka hadlay dareenkooda ayaa sheegay in natiijo wanaagsan ay ka rajeenayaan imtixaanka iyaga oo ardayda kale ee gobalada dalka ku galaysa u rajeeyay guul
Dhankale Wasiirka wasaaradda waxbarashada Dowlad goboleedka Jubbaland C/Naasir Seeraar Maax Ayaa Urajeeyay guul Ardayda galaysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare isaga oo markaa kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka imtixaanka .