Wafdi ka socda Boliiska Gaarka ah ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, oo maanta booqasho koban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

464
Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, S/Guuto. Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Boliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cade ku soo dhaweeyey.
Waftigaan ayaa u yimid in ay booqdaan, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Boliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowlada Turkigu tababarto.

Waftiga oo ka koobnaa 4 Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.
1-Selami TÜRKER Özel Harekat Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha özel Harekat).
2-Ali TÜREDİ Dış İlişkiler Daire Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha Arimaha Dibadda).
3-Turgay OLGUN Dış İlişkiler Daire Başkan Yardımcısı 2.Emniyet Müdürü (Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda).
4-Sıddık Mustafa ÜLGER Özel Harekat Başkanlığı Komiser (sarkalka özel harekat kamida).
Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho waftigu ku joogidoonaan Magaalada Muqdisho.