Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay qarax ka dhacay Degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir.

597

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho, khasaaraha ka dhashay & sida uu qaraxaas u dhacay.

War kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid lagu waday Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj oo bar hubin ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda ka gudubtay kaddibna qaraxday waa sida hadalka loo dhigay.

Booliisku waxa uu sheegay in qaraxaan oo ka dhacay waaxda Janaraal Daauud uu dhacay iyada oo Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay raacdeenayeen Mooto Bajaajta ay qaraxday, saddex ruux oo la socdayna ay ku dhinteen.

“Abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa  dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday  Waaxda Gen Daa’uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka,  qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.

Qoraalka Booliiska ayaa lasii raaciyay in baaris lagu wado oo wixii kasoo kordha dib laga soo gudbin doonno, waa qaraxii labaad oo ka dhacay Magaalada Muqdisho tan iyo markii la galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.