Hay’adaha ammaanka DFS oo howlgallo baaris ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho.

410

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallo baaris ah ka sameeyay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, Ciidamada ayaa si gaar ah u baaray Gawaarida, Mootooyinka & Dadka la socda.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaan ayaa sheegay in ujeedka ay tahay adkeynta nabadgalyada Caasimadda kaddib markii Madaxda Dowladda Federaalka ay kala hadleen xoojinta amniga Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan la kulmay Saraakiisha hoggaanka Booliiska Gobolka Banaadir, talisyada qaybaha & kuwa saldhigyada oo uu kala hadlay adkeynta xasiloonida Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa goobo cusub ka sameystay xaafadaha qaar si ay ugu hubiyaan Gaadiidka iyo dadka la socda, saraakiisha hay’adaha ammaanka Dowladdu waxa ay tallaabadaas ku tilmaameen mid lagula soconayo dhaqdhaqaaqyada Dadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dagaal adag la galayaan waxlaha maanka-dooriya, ‘AS’ & Burcadda dadka dhaca u geysata Dadka Shacabka.