Diyaarad gurmad u waday degmada Baardheere oo loo diiday inay tagto degmadaas.

451

Diyaarad siday raahin gargaar ah oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in Maaanta loo diiday inay ka degto degmadaas.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag uga hadlay diyaarad gargaar ah oo Jubbaland ay u diri lahayd degmada Baardheere si loogu caawiyo dadka ay fatahaaddu saamay balse ay is-hortaag ku sameeyeen maamulka degmadaasi.

Wararka la helay ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere ay diideen in marnaba degmada aysan imaan Karin gurmad ka yimaada dhinaca Maamulka Jubbaland.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa degaannada iyo degmooyinka Jubbaland loo diiday inay tagaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.