Howlgal Miina-baaris ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Xoogga Dalka & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka dhacay waddada xiriirisa Magaalada Jowhar Xarunta Doowlad Goboleedka Hir-Shabeelle & Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas.
Howlgalka waxaa barbar socday in howlo lagu jaray geedaha ka baxay hareeraha laamiga oo loo adeegsaday Gawaarida nooca loo yaqaan Baalaha oo ay wateen Ciidamada howlgalka KMG ah Midowga Afrika ee ATMIS.
Ciidamada ayaa si feejigan u baaray dhinacyada iyo bartamaha Laamiga si ay usoo saaraan Miinooyinka lagu aasay si looga hortago in ay qaraxyo sameeyaan isla markaana waxyeello gaarsiiso Ciidanka iyo Dadka isticmaala waddadaas.
Howlgalka KMG ah Midowga Afrika ee ATMIS ayaa u mahadceliyay Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka gaar ahaan Booliiska oo wadashaqeyn buuxda kala dhaxeysa marka la eego howlgallada ceynkaan oo kale ah.