Hawlgallo Amaanka Lagu Xaqiijinayo Oo Ka socda Xaafadaha Magaalada Boosaaso

1034

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in xalay fidkii ay weerar toogasho ah ku qaadeen mid kamid ah Nabadoonada ugu caansan Gobolka Mudug,iyaga oo weerarkaas ku dhaawacay.

Nabadoonka la dhaawacay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle oo kamid ah odayaasha dhaqanka gobolka Bari,waxaana la sheegay in dhowr Xabadooda lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa Albaabka hore Hoygiisa oo ku yaalla xaafadda masjid Faadumo ee magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xilliga la weerarayay Nabadoonka uu kasoo baxay Masaajiid uu kusoo dukaday Salaadii Cishaha,isla markaana dadkii ka dambeyey weerarkaas ay goobta ka baxsadeen,sidoo kalena dhaawaca nabadoonka la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Boosaaso ayaa tan iyo markii uu dhacay weerarkaas Nabadoonka lagu dhaawacay kadib ayaa waxaa ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey falkaas.

Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa ah mid degan,waxaana xusid mudan in tira ka dhowr jeer ah ay ka dhaceen weeraro kala duwan oo lagu dilay,Askar, Masuuliyiin iyo dad Shacab ah intaba.