Taliye Biixi” Waxaan dagaal ku dilnay 117 khawaarij ah”.

504

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa faah faaahino dheeraad ah ka bixiyay howlgalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta oo ay ciidamada qaranka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamada huwanta ahi la wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

“ Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, aagga lagu magacaabo Doonleey oo u dhaxeyso Shabeellow iyo Camaara, halkaas oo cadowga u ahayd Talis deegaan iyo difaac weyna ay ku lahaayeen dagaalkaas ka dhacay. Dagaalladii Khawaarijta lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saac ayaa ka dhacay deegaanka, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan,nimankii Khawaarijta ahaa gododka waa laga saaray,” ayuu yiri Taliye Biixi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Khawaarijta dagaalladaas oo aad u xoogganaa looga dilay maleeshiyaad fara badan oo gaaraya 117 khawaarij ah, waxayna ciidamadu hadda ku daba jiraan firxadkooda. Khawaarijta ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen.

Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hadda guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.