Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow, Sabiib iyo Caanoole

543

Ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay fashiliyey weerar ay ku soo qaadday Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta ayaa weerarkaas u adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dagaal toos ah oo xigay, waxaana halkaas Khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii ku soo duulay degmadaas.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay ka hortageen laba gaari oo qaraxyo ay ku soo rareen, isla markaana uu meydkoodu daadsan yahay bannaanka xeradii ay isku dayeen in ay soo weeraraan.

” Ujeeddadoodu waxay ahayd, ciidamadaanu diyaarineyno in ay khal khal geliyaan. Khasaaro ma jiro,iyagana meydadkooda bannaanka ayuu daadsan yahay,” ayuu yiri Generaal Bogmadow.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka ayaa fashiliyay weerar saaka aroortii khawaarijtu ku qaadeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay dhagar qabayaashu kula jarmaadeen labo gaari oo ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, balse ciidamada qaranka oo ka feejignaa ay ka hortageen.