Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

475

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.

Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray halka uu dila ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Burcaddii dilka geysatay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.

Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida oo dhankooda tegay dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in falka lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed uu u muuqday fal bahalnimo ah ayna ka walaacsan yihiin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo oo Kooxaha Burcada ah mararka qaar ay dhac u geystaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida kadib markii ay dilaan.