Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta Magaalada Hargeysa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Denmark oo ay kawada hadleen xal u helista muranka siyaasadeed ee salkeesi yahay Doorashada Dib loo dhigay balse ay diideen Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani & UCID.
Wasiir Kaahin ayaa Wafdiga waxa uu warbixin ka siiyay xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland isaga oo ka dhageysatay soo jeedinta Denmark ee la xiriirta qaabka ku habboon looga hortagi karo rabshado la xiriira muranka Doorashada.
Steen Sonne Anderson oo hoggaaminayay Wafdiga Hargeysa tagay ee ka socday Dowladda Denmark ayaa soo jeediyay in xal siyaasadeed la gaaro si la isaga fahmo muranka taagan si looga fogaado Amni darro, Rabshado & dib u dhac.
Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay sidaas oo kale ula kulmaan hoggaanka sare ee Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani & UCID si ay ugu sheegaan in wadahadal lagu dhammeeyo kala aragti duwanaanta Siyaasadeed ee Doorashada la xiriirta.
Waddamada Yurub ayaa dedaal xooggan gelinaya sidii looga hortagi karaa rabshado lamid ah kuwii dhacay August 2022 ee sababay dhimashada, Dhaawaca & Khasaaraha Hanti kaddib markii Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani & UCID ay sameeyeen dibadbax sababay isku dhac.
Waddani & UCID ayaa meel adag ka istaagay in ay aqbalaan muddo kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland uu u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumaddiisa kana shaqeyso Doorasho kadib dhacday 13kii November 2022 oo ku siman muddo xileedka 5ta sano ee Biixi.