
Ciidamada Dowladda federalka, kuwa Galmudug iyo oo wehliyaan Ciidan dadka Degaanka Ayaa saakay ka ruuqaansaday Degaannada Cadakibir iyo Maarsamage ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada ayaa aroortii hore ee saaka gudaha u galay tuulooyin ay isaga tageen Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo mudooyinkii dambe ay dowladdu sheegtay inay bulshada ku dhibateeynayeen.
Howlgalkan saakay ee ciidankii ka dhaqaaqay deegaannada Cadakibir iyo Maarsamage ayaa si saf ballaaran ah u wada howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo degaano horleh ay la wareegayaan.
Dhinaca kale Ciidamada Deegaanka Bajeela ayaa saaka mar kale u ruqaansaday Howlgal lagu xoraynayo degmada Bacaadweyne, Qeycad, Camaara ee koofurta Mudug.
Saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in muddo kooban ay Al-Shabaab uga saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug, Galgaduud & Hiiraan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







