Jubbaland oo sheegtay inay baarayso Hawlgal ay dad shacab ah ku geeriyoodeen oo ka dhacay Duleedka Kismaayo

482

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah xubnaha golaha barlamaanka Jubbaland, waxaana ay kawada hadlayeen dhacdadii ka dhacday tuulada Qudus oo qiyaas tii 65-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada kismaayo.

Howlgal ay dhawaan sameeyeen ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaliyeed ayaa waxaa jira cabasho soo baxaysa, tasoo sheegaysa in intii uu socday howlgalka in ay jireen khasaaro isugu jiray naf iyo maal, tasoo soo gaartay dadka ku dhaqan tuulada.

Falanqeyn kadib madaxweynaha ku-xigeenka Jubbaland iyo xubnaha baarlamaanka ayaa isla qaatay in baaritaan lagu sameeyo arrinkaa kadibna lasoo bandhigo warbixin xaqiqda ah ee kusaabsan dhacdadaa.