Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Ka Shiray Amniga Iyo Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

547

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid ahayd dardar galinta dagaalada la dhanka ah argagixisada.

Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo Dowlada ee howlgalada ka dhanka ah argagixisada sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada. Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.