War-saxaafadeed ka soo baxay Kooxda Tigray-ga ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amxaarada oo ay ku jiraan maleeshiyadda Fano ay ku soo qaadeen weerar saf ballaaran ah Koonfurta Gobolka Tigray-ga.
Kooxda TPLF waxaa ay sheegeen in Ciidamada Dawladda ay weerarka ku ekeeyeen Magaalada Alamata iyo Nawaaxigeda, sidoo kalena uu daaalka ka socdo dhinaca Galbeed ee Gobalka Tigrey-ga.
Dagaalkan ayaa u Muuqda mid si wayn dhinacyadu ugu diyaar garoobeen in kastoo la waday waan waan Nabadeed oo ay garwadeen ka yihiin Midawga Afrika.
TPLf ayaa ku doodaysa in Ciidamada Dawladdu ka baxaan Gobolka Walkayit balse taasi ma Muuqato, iyada oo weli dowladda itoobiya ka hadlin Warkaan kasoo baxay Kooxda TPLF.