Askarta Turkiga ayaa soo badbaadiyay 107 tahriibayaal ah, waxayna heleen hal meyd ah meel u dhow xudduudda Giriiga Jimcihii, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga
“muhaajiriinta la soo badbaadiyay waxaan u gudbinnay isbitaalka si baaritaanno caafimaad loogu sameeyo, meydka muhaajiriinta dhintayna goobaha caafiamad ee lagu baaro Ayaan geynay,” ayaa lagu yiri warbixin ay wasaaraddu soo saartay.
Muhaajiriinta ayaa u sheegay mas’uuliyiinta Turkiga in mid ka mid ah muhaajiriinta uu dhintay “kadib markii uu dharbaaxay askari ka tirsan kuwa Giriigga, taasoo keentay in uu madaxa dhulka ku dhufsado, kadibna geeriyoodo”, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa ay sheegeen in muddo afar maalmood ah ay cunno iyo biyo la’aan ku noolaayeen, isla markaana lagala wareegay agabkii ay wateen oo ay ku jireen lacag iyo telefoonno, oo ay si xun ula dhaqmeen maamulka Giriigga.
Muhaajiriintan ayaa sheegay in xabsiga lagu hayay tan iyo maalintii ay qabteen askarta Giriiga, iyagoo intaa ku daray in boqollaal kale ay weli ku jiraan xaalad adag oo tooda lamid ah.
Turkiye waxay ahayd marin muhiim ah oo ay maraan dadka magangalyo doonka ah ee doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u bilaabaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka cararaya dagaalka iyo cadaadiska.
Ankara iyo kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah u cambaareeyay dhaqanka sharci darrada ah ee Giriiga, iyaga oo sheegay in ay xadgudub ku tahay qiyamka bini’aadantinimo iyo shuruucda caalamiga ah, iyada oo khatar gelinaysa nolosha muhaajiriinta nugul, oo ay ku jiraan haweenka iyo carruurta