Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa VOA u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah Xubnihii Al-Shaaab ee ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.
Faah faahin dheeri ah weli lagama helin khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka degaanka Baruujeed ku dhexmaray Ciidamada Galmudug & Al-Shabaab marka laga reebo sheegashada Maamulka degmada Ceelbuur ee ah dilka laba Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.
Masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay u sheegeen in hawlgallo ka dhan ah AlShabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud si Al-Shabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.