Aqalka Sare oo lagu wado inuu meel mariyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka

1012

Xildhibanada Golaha Aqalka Sare ayaa lagu waddaa in ay maanta meelmariyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay in maanta Cod loo qaadi doono Sharciga doorashooyinka.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 28-kii bishii December ee sanadkii 2019 ansixiyay sharcigan, waxaana marka uu Aqalka sare meel mariyo la filayaa in Madaxweynaha loo gudbiyo si kama dambeys uu meel mariyo, si ay u dhaqan gasho.