Taliyaha ciidamada Koonfurta Sudan oo diiday baaq Afgambi

767

Taliyaha guud ee ciidamada South Sudan Gen. Santino Deng Wol ayaa ka soo horjeestay baaqyada ah in si xoog ah xilka looga qaado madaxweyne Salva Kiir, isaga oo sheegay in faragelinta militarigu aysan xallin doonin khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Isagoo la hadlayay Sudan Tribune Axadii, Wol wuxuu sheegay in ka-qaybgalka militariga ee siyaasadda ay wiiqeyso dhammaan rajada laga qabo isbeddel dimoqraadi ah oo dalka ka dhaca.

“Siyaasadda iyo maamulka dalka waa shaqada siyaasiyiinta. Shaqadeenu ka wasaarad ahaan waa in aan dalka ka difaacno hagardaamooyin shisheeye,  iyo ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka iyo dastuurka” ayuu yiri.

Wol ayaa ku booriyay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha sare inay ka fogaadaan siyaasadda oo ay ka fogaadaan inay la falgalaan siyaasiyiinta dabada ka riixaya in si xoog ah xilka looga qaado Kiir.

Toddobaadkii hore, dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah, ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kale ee amniga inay joojiyaan qorshayaasha dowladda ee ah inay caburiyaan rabitaanka muwaadiniinta.

“Ku dhawaaqistii Arbacadii 27-kii Luulyo ee ay soo saareen dhinacyada Heshiiska Xallinta Colaadda Koonfurta Suudaan] ee ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan cimriga kalitaliska naguma noqon wax la yaab leh. Waxaan uga dignay muwaadiniinteena 30ka Maajo 2022, in tani ay imanayso. Waxaan si gaar ah u soo sheegnay in Suudaan ay gacan weyn ka geysan doonto hirgelinta qorshahan, iyadoo ah guddoomiyaha IGAD. Hadda oo soo jeedintan ay soo baxday, waa nalaga saaray oo waa naloo caddeeyey in aanu si hufan u falanqeynay falanqeyntayada fashilka heshiiska xallinta colaadda koonfurta Sudan “Isbaheysiga Dadka ee Waxqabadka Madaniga ah (PCCA) ayaa ku yiri war saxaafadeed ay soo saareen.

Madaxweyne Kiir ayaa sameeyay guddi ka kooban afar xubnood oo loo xilsaaray inay dejiyaan qorshe dalka ku hagi doona dhammaadka xilliga KMG ah, isla markaana u gogol xaaraya qabsoomidda doorashooyinka guud.

Heshiiska nabadeed ee Sebtembar 2018 ayaa ku dhiirigelinaya dhinacyada Koonfurta Suudaan inay qabtaan doorashooyin guud ka hor Febraayo 2023, haddana qaar ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee heshiiska weli lama fulin.