Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dib Shaqada ugu fasaxay Wasiiro uu Shaqa-joojinta kol hore ku sameeyay kuwaa oo kala ahaa Wasiirka Duulista Hawadda Garoomada Dowlad Goboleedka Puntland, xuseen Cusmaan lugatoor, iyo Wasiirka Degadaha iyo Gaadiidka badda Dowlad Goboleedka Puntland Axmed yaasiin Faarax.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadda ka joojiyay wasiiradaan 12 luuliyo ee sanadkaan, kuwaa oo uu ku eedeyay celinta Diyaarsad ay saarneed Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJF Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, taa oo laga celiyay Garoonka Diyaaradaha Garawe.