Ukrain iyo Ruushka oo Heshiis ku saabsan Dhoofinta Hadhuudhka ah la sixiixday QM iyo Turkiga

595

Ruushka iyo Ukraine ayaa Jimcihii heshiis taariikhi ah la saxiixday Qaramada Midoobay iyo Turkiga oo ku saabsan dib u soo celinta shixnadaha badarka taasoo yareyn karta dhibaatada cunnada ee adduunka oo malaayiin ay wajahayaan gaajo.

Wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu iyo wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine Oleksandr Kubrakov ayaa mid waliba heshiisyo gooni gooni ah la saxiixday saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Turkiga oo ku saabsan dib u furidda waddooyinka xidhmay ee badda Madow, xafladaas oo ay goob joog ka ahayd wakaalada wararka ee AFP.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in aysan dooneyn in magacooda lagu dhejiyo dukumeenti la mid ah kan Ruushka sababo la xiriira dagaalka shanta bilood ah socda.

Diblomaasiyiintu waxay filayaan in dhoofinta hadhuudhku si buuxda u bilaabo markii ugu horreysay tan iyo markii Ruushku weeraray deriskooda ay taageeraan reer galbeedka badhtamihii Ogosto.

“Maanta, waxaa jira iftiin ku yaal Badda Madow – Iftiin rajo ah, Iftiin suurtagal ah, iftiin gargaar,” Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in heshiiska la saxiixay ka dib bilo wada xaajoodyo culus ah oo ku sigtay in ay marar badan burburaan.

“Waxay gargaar u keeni doontaa wadamada soo koraya ee qarka u saaran musalafnimada iyo dadka aadka u nugul ee qarka u saaran macluusha,” Guterres ayaa yidhi.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in 47 milyan oo qof oo dheeraad ah ay bilaabeen inay wajahaan “gaajo ba’an” natiijada tooska ah ee dagaalka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan – oo ah xubin muhiim u ah wada-xaajoodka oo xiriir wanaagsan la leh Moscow iyo Kyiv – ayaa sheegay inuu rajeynayo in heshiiska uu u gogol xaaro nabad ka hirgasha Ukraine.

“Tallaabadan wadajirka ah ee aan la qaadayno Ukraine iyo Ruushka waxaan rajaynaynaa inay soo nooleeyaan waddadii nabadda,” ayuu yiri hoggaamiyaha Turkiga.