Madaxtooyadda oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka caafimaaday COVID-19

581

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laga helay Cudurka Coronavirus ayaa la xaqiijiyay in baaritaan lagu sameeyay kadib laga waayay Cudurkaasi isla markaana uu ka soo bogsooday.

Afayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdi kriin Cali Kaar oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu Madaxweynaha la hadli doono Shacabka, isla markaana Shaqadiisa uu si caadi ah u wadan doono.

Dhawaan markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarka u aaday dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaar kamid ah wafdigiisa laga helay Coronavirus, balse markii uu dalka kusoo laabtay ay Madaxtooyada sheegtay in Madaxweynaha baaritaan lagu sameeyay laga helay COVID-19.

Warkaan kasoo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Kariin Cali Kaar ayaa rajo weyn gelinaya wawalkii Shacabka ka qabeen xanuunka Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen.