
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynayo dhaawacyada weerarkii lala eegtay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye.
Maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay Xaaladda Dhaawacyada la keenay Isbitaalka iyo sida ay kala yihiin iyo sida ay u socoto daaweyntooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhawacyada mid mid udul istagay isogona kawareysatay ehelada iyo Takhaatiirta sida ay tahay xaladooda cafimaad,.waxa una ilahay ugu baryay in cafimaad u siiyo isagona sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Dowladda ay si dhaw uga warqabi doonto xaladooda caafimaad.
Dhawacyadaan aya Dhawaan waxa ay ku dhaawacmeeyn weerrar ay argagixisadu ka geysteen inta u dhaxeeyso Muqdisho iyo Afgooye.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







