Laamaha Amniga Gobolka Bari oo gacanta ku dhigay shabakado ka tirsan nabad diidka Al-shabaab

706

Laamaha Amniga Gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay saddex shabakadood oo ka tirsan kooxda argagixisada Al-shabaab oo ay ku jirto shabakaddii Sakawaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhammaan shabakadahan  ayaa dhowaan ka soo muuqan doona maxkamad sida ay sheegeen Laamaha Amniga Gobolka Bari.

Laamaha Amniga ayaa sidoo kale maxkamadda Ciidamada hor-geeyay shabakad ku eedaysan Al-shabaabnimo kuwaas oo lagu wado in maanta ay maxkamaddu bilaawdo dhagaysiga dacwada lagu soo edeeyay.

Maamulka Puntland ayaa kamid ah maamulada sida aadka ah uga hortago dhaqdhaqaaqyada kooxda gabalkoodu sii dhacayo ee Al-Shabaab, iyagoona marar badan soo bandhigay rag ay ku edeeyen in ay ka tirsanyihiin Daacish iyo kooxda Al-Shabaab.