Xildhibaano loo diiday inay galaan Teendhada Afisiyooni

863

Iyada oo Maanta loo qorsheeyay in Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen ayaa waxaa jira Xildhibaano sheegay in loo diiday inay galaan Hoolka Teendhada Afisiyooni.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni.

Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay.

Ka sokow qoraalka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa jira Xildhibaano uu kamid yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo gaaray goor sii horeysay Teendhada Afisiyooni.