Xeer ilaalinta Puntland oo ku dhawaaqday xiliga lagu fulinayo qisaasta ragii ku eedaysnaa kufsigga Caaisho Ilyaas.

1354

Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa sirasmi ah u shaacisey waqtiga la xukunka dilka ahaa lagu fulin doono Saddex rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loogu gyestay Gaalkacyo Gabar yar oo 12 jir hayed taa soo lagu Magacaabi jirey Caaisho Ilyaas Aadan.

Saddexda ragga ah oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa horaantii Bishii Febaraayo ee sanadkii tegay ee 2019 Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay fal kufsi iyo dil ah u geysteen Caaisho Ilyaas Aadan oo kamid aheyd dadka ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa shaaciyay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday Caasho Ilyaas Aadan..

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan wax laga weeydiiyey sababaha loo fulin la’yaay xukunka dilka ah ee Saddex ragga ah,waxaana uu sheegay in taasi ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha Puntland.