Wasiirka Wasaarada Gargaarka Maareynta IYo Musiibooyinka Jubbaland Oo Nairobi Kula Kulmay Xubno Kasocday Midowga Yurub

0
1008

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Cabdirahman Cabdi Axmed ayaan maanta xarunta Midowga Yurub ee Nairobi kulan kula qaatay madaxa arrimaha farsamada ahna ku xigeenka arrimaha Gargaarka u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kala hadlay mas’uulkan qodobadan xoos ku xusan:

1. Derdergalinta ka jawaabista arrimaha abaaraha ee deegaanada Jubaland.

2. Hergelint qorshaha kaydka cunada ee Dowlada Jubaland (Strategic Food Reserve).

3. Taageeridda qorshaha 5 ta sana ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubaland.

4. Xal waara u helidda musiibooyinka soo noqnoqda.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa uga mahadceliyay taageeridda Midowga Yurub, European Union in Somalia ay u fidineeyso shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa jubaland.