Dhageeyso; Maamulka Jaziirada Kudhaa Ee gobolka Jubbada Hoose Oo Walaac Xooggan Kamuujiyay Sicir Barrar ka jirra deegaanka.

743

Guddoomiyaha deegaanka kudhaa ee gobolka jubbada hoose kadiye ibraahim cabdulle oo la hadlay radio kismaayo ayaa sheegay inay deegaanka ka jiraan xaalado isbiirsaday sidda sicir barrar,biyo la’aan baahsan oo deegaanka kajirta.

Gudoomiye kadiye ibraahim cabdulle ayaa sheegay inay saameynta ugu badan ee dhanka noolasha shacabka deegaanka ay wajahayaan ay tahay sicirka barrarka baahsan ee raashiinka quutul duruuriga taas oo saameyn togan iyo toban ku yeelatay shacabka danta yare e deegaanka.

Dadka deegaankaasi oo baddi noolashooda ay ku tiirsan tahay jillaabashada kalluunka ayaa sidoo kale waayadii dambe wajahayay culees dhanka shaqooyinka kusaabsan taasi oo lagu sifeeyay kadib markii saameynta ugu badan dadka kalluunka jillaabta ay ku yeelatay dabaylo xooggan oo kajirra xeebaha deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa hayadaha samafalka wasaaradaha jubbaland ee ay shaqooyinkaan quseeyaan ka codsaday inay gar-gaar deg deg ah lasoo gaaran dadka xilligaan wajahaya xaaladaha adage e deegaanka kajirra.