xubno isugo jirra labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya kuwaas oo laga soo doorta jubbaland ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha kismaayo iyaga oo ka qayb galli doono munaasabada dhaarinta xildhibaanada oo maalinka barrito loo madalsan yahay sidda jadwalkii ay shaaciyeen guddiga doortashooyinka heer federaal
xildhibaan maxamed cali cumar caana nuug oo qoraal kooban bartiisa facebook soo dhigay ayaa ku xaqiijiyay safarka xildhibaanada.
guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ku adkaysanayo qabsoomidda munaasabada dhaarinta xildhibaanada qaatay shahadada xildhibaanimo inkastoo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal uu maanta gaaray magaalada baydhabo waxaana soconayo diyaart garoow ku aadan munaasabada lagu dhaarinayo xildhibaanada baarlamaanka 11aad ee soomaaliya