Galmudug oo Maanta xukun ku riday dad dilal geystay

691

Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun ku riday laba qof oo ku eedeysan dilka Faadumo Cali Salaad iyo Cali Salaad Khaliif.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku riday Khadro Jaamac Maxamed oo 20/2/2022 la sheegay inay degaanka Bitaale ee Gobolka Mudug ku dishay Marxuumad Faadumo Cali Salaad & Cabdinaasir Axmed Maxamed oo loo heysta in 23/2/2022 uu degaanka taaroge ku dilay Marxuum Cali Salaad Khaliif.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug ee Galmudug ABuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf oo xukuno ku dhawaaqay ayaa sheegay in dilka labada Ruux loo adeegsaday qoray AK47 ah markii cadeeymo loo helayna xukunka lagu riday labada Ruux.

Maxkamadda Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhowr jeer waxaa ay sidaan oo kale xukuno kala duwan ku riday dad dilal geystay iyo Burcad, kuwaas oo howlgallo lagu soo qabtay.